Ruushka oo sameeyay dhoolatuskii Maalinta Guusha

9 May, 2026

Putin oo xusay guushii Soofiyeedka ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaa hambalyo u diray ciidankiisa dagaalka ka wada Ukraine.

Ruushka ayaa sanad walba u dabaal dagay Maalinta Guusha iyo jabkii Nazigii Jarmalka ee ee dagaalkii labaad ee adduunka.

Dhoolatuska militariga Ruushka ayaa sanadkan hoos loo dhigay sababo la xiriira amniga awgeed.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay markii Madaxweyne Vladimir Putin uu khudbadiisa kasoo jeediyey munaasabadda.

“Guushu had iyo jeer way ahayd oo way ahaan doontaa dhankeena,” ayuu yiri Putin, iyadoo kumanaan ciidamada ah ay socod ku mareen fagaaraha bartamaha Moscow. “Furaha guusha waa awooddeenna akhlaaqeed, geesinimada iyo midnimadeenna aan ugu adkaysanno wax kasta, taasina ayaa uga gudbi karnaa caqabad kasta.” ayuu yiri Vladimir Putin.

Maalinta Guusha oo lagu soo bandhigo awoodda militariga ee dalkaas ayaa sidoo kale qeyb ka ahayd taageerada ciidamada ka qeyb qaadanaya dagaalka Ukraine, oo hadda ku jira sannadkiisii ​​shanaad. Laakiin sannadkan, markii ugu horreysay muddo ku dhow 20 sano, dhoolatuskan kamaysan qeyb qaadan gaadiidka dagaalka ee taangayadda, gantaalladda iyo hub kale ee culus, marka laga reebo duullimaadka diyaarado dagaal ah oo astaan u ah.

Afhayeenka dowlada Dmitry Peskov ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay qaadeen “tallaabooyin amni oo dheeraad ah” oo qeyb ka ahayd hoos u dhigidda in lasoo bandhigo gaadiidka dagaalka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii shalay ku dhawaaqay in Ruushka iyo Ukraine ay ku heshiiyeen codsigiisii ​​ahaa in xabad joojin laga bilaabo Sabtida ilaa Isniinta la dhaqan geliyo, lana is dhaafsado maxaabiista.