Hay’adda Caalamiga ah ee Quwadda Nukliyeerka ayaa marar badan ka digtay khatarta ka dhalan karta dagaalka ka socda agagaarka xarumaha Nukliyeerka ee Ukraine iyo Ruushka.

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Kursk ee dalka Ruushka, Alexander Khinshtein, ayaa si kulul u dhaleeceeyay dalka Ukraine oo uu ku eedeeyay in ay fulisay weerar diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu bartilmaameedsaday warshadda Nukliyeerka ee Kursk.
“Waxay khatar ku yihiin badbaadada nukliyeerka iyo ku xad-gudbida dhammaan heshiisyada caalamiga ah,” ayuu Khinshtein ku qoray abka fariimaha Telegram-ka.
Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in weerarku uu dhaliyey dab ka kacay warshadda balse shaqaalaha dab-damiska ay ku guuleysteen inay damiyaan, mana jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay.
Shaqaalaha warshadda ayaa sheegay in weerarku uu waxyeello u geystay taransfooriyaha caawiye ah oo keenay in 50% hoos loo dhigo awoodda shaqada ee qaybta saddexaad ee warshadda.



