Ruushka oo sheegay inuu jawaab ka bixin doono Afduubka reer Galbeedka ee maraakiibtooda Shidaalka

18 February, 2026

Sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada Ruushka ayaa sheegay in ciidamada badda ee Ruushku ay awood u leeyihiin inay qaadaan tilaabooyin ay ku joojinayaan falalka dalalka reer galbeedka ee qabsaday maraakiibta Ruushka ee shidaalka sida, tillaabadaasi oo qayb ka ah cunaqabataynta saaran ganacsiga batroolka ee dalkaasi Ruushka.

Nikolai Patrushev, oo ah kaaliyaha Madaxtooyada Ruushka oo mas’uul ka ah maraakiibta ahna saaxiib dhow ee Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa Talaadadii laga soo xigtay isagoo leh Ruushku wuxuu u baahan yahay inuu farriin adag u diro – gaar ahaan dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo dalalka Baltiga.

Patrushev wuxuu sheegay in Ruushku uu awood u leeyahay inuu dhoofiyo batroolka, hadhuudhka iyo daawooyinka bacriminta si uu dhaqaalihiisa u sii shaqeeyo. Wuxuu ku eedeeyay reer galbeedka inay bartilmaameedsanayaan mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan dhaqaalaha Ruushka – gaar ahaan maraakiibtooda.

Sarkaalkan ayaa sheegay xalka ugu fudud uu yahay in Ruushka uu adeegsaddo ciidamadooda Badda si tilaabo arrintan uga qaadaan.

Mas’uuliyiinta Midowga Yurub ayaa diiwaangeliyey 598 markab oo laga leeyahay Ruushka oo laga mamnuucay dekedaha Yurub iyo adeegyada badda.

.