Madaxtooyada Ruushka ee Kremlin-ka ayaa Isniintii sheegtay in Ruushka iyo Maraykanku ay ka shaqeynayaan fikrado ku saabsan xal nabadeed oo suurtagal ah oo ka dhaca Ukraine iyo sidii loo dhisi lahaa xiriir laba geesood ah, inkastoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in uu “ka xanaaqay” Vladimir Putin.

Trump ayaa u sheegay NBC News inuu aad uga carooday hogaamiyaha Ruushka ka dib markii uu dhaleeceeyay kalsoonida lagu qabo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy, waxaana madaxweynaha Mareykanka uu soo jeediyay inuu ku soo rogi karo canshuur labaad 25% -50% iibsadayaasha saliida Ruushka.
Trump ayaa u sheegay saxafiyiinta inuu ka niyad jabay Putin balse wuxuu raaciyay: “Waxaan u maleynayaa inaan horumar sameyneyno, talaabo talaabo.”
Mar wax laga weydiiyay hadalka Trump, afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Moscow ay sii wadi doonto la shaqeynta Washington, Putin-na uu weli u furan yahay inuu la xiriiro Trump.
“Waxaan sii wadeynaa inaan la shaqeyno dhinaca Mareykanka, marka ugu horeysa si aan u dhisno xiriirkeena laba geesoodka ah, oo si xun u burburay intii uu jiray maamulkii hore (Mareykanka),” Peskov ayaa yiri.
Horseed Media



