Ruushka oo sii wada duqeynta Kyiv xili ay ergooyinka Ukraine ay u safrayaan wadahadallada ka dhacaya Mareykanka

29 November, 2025

Laba qof ayaa ku dhintay duqeymaha ka dhacay caasimadda, waxaa sidoo kale khasaaro ka dhashay weeraro gantaalada iyo diyaaradaha oo ka dhacay gobolka Kyiv, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Duqa magaalada Kyiv, Vitali Klitschko ayaa sheegay in 29 qof ay ku dhaawacmeen duqeynta Kyiv, isagoo xusay in burburka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka oo lasoo riday ay ku dhaceen dhismayaal la deggan yahay. Wuxuu sidoo kale sheegay in xaafadaha galbeed ee Kyiv ay ka go’aday korontada kadib duqeymahaasi.

Ka dib weeraradii ka dhacay Kyiv, Danjiraha Midowga Yurub Katarina Mathernova ayaa shaki gelisay in Ruushka uu diyaar u yahay heshiis nabadeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy wuxuu sheegay in wafdigooda wadaxaajoodka ay u ambabaxeen Washington si ay u raadiyaan “nabad sharaf leh” iyo in si degdeg ah loo soo afjaro duulaanka Ruushka ee bilaabmay 2022.