Ruushka ayaa ka digay inuu qorsheynayo inuu weeraro “taxane ah” oo ku qaado xarumaha warshadaha difaaca ee Kyiv, wuxuuna ku boorriyay muwaadiniinta ajnabiga ah inay ka baxaan caasimadda Ukraine.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Difaaca ayaa lagu sheegay in duqeymahan ay jawaab u yihiin weerar diyaaradeed oo laga leeyahay dalka Ukraine oo todobaadkii hore lagu qaaday hoy arday oo ku yaal Starobilsk oo ku taal gobolka Luhansk ee la haysto, kaasoo dilay ugu yaraan 18 qof.
Ukraine waxay kor u qaadday awooddeeda dagaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn bilihii la soo dhaafay, waxayna guulo la taaban karo ka gaartay weerarada bartilmaameedyada Ruushka, gaar ahaan kaabayaasha tamarta.
Ruushka oo duullaanka Ukraine billaabay afar sano kahor isla markaana sheeganaysa afar kamid ah gobollada bari ee dhulka Ukraine inay iyadu leedahay, ayaa weerarradaas ku tilmaantay “argagixiso” waxayna kaga jawaabtay gantaallo waaweyn iyo duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa Isniintii ku sheegtay in Ruushku uu bilaabi doono duqeymo taxane ah oo ay bartilmaameedsan doonaan “goobo gaar ah”.
Waxay sidoo kale ku boorrisay dadka deggan Kyiv inay ka fogaadaan inay u dhawaadaan xarumaha kaabayaasha militariga iyo maamulka, sida lagu yiri bayaanka.



