Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in Ukraine ay isku dayday inay weerarto guriga Madaxweyne Vladimir Putin iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Ruushka ayaa ku eedeeyay Ukraine inay bartilmaameedsatay guriga Putin ee gobolka Novgorod iyadoo isku day weerar diyaaradeed oo aan duuliye lahayn.
Madaxweynaha Ukraine, Zelenskyy ayaa beeniyay eedaymaha oo uu ku sheegay hadalo “khatar ah” iyo “been abuur”.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu u sheegay intii ay wadahadalka ku jireen Isniintii in Ukraine ay isku dayday inay weerarto gurigiisa.
Wuxuu hadalkan Trump ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ula qabtay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo booqasho ugu tagay.
Markii la weydiiyay haddii ay jirto wax caddayn ah oo muujinaya weerar noocaas ah, Trump wuxuu yiri: “Waan ogaan doonnaa.”
Sida laga soo xigtay Madaxtooyada Ruushka, Madaxweyne Vladimir Putin ayaa u sheegay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in Ruushku uu dib u eegi doono mowqifkiisa ku aaddan wadahadallada nabadda kadib weerarka diyaaradeed ee Ukraine ku qaaday guriga Putin.



