Duqeymaha Ruushka uu ka geystay magaalada Kharkiv ee dalka Ukraine ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 8 qof, waxaana burburay dhismayaal badan.

Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in ay soo rideen in ka badan 67 gantaal iyo 200 oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones, weerarkaas oo dhacay habeen hore, kaasoo lagu garaacay gobollo badan oo Ukraine ah.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ku baaqay xabbad-joojin cirka iyo badda ah ka dib weerar ballaaran oo Ruushku habeenimadii xalay lala beegsaday kaabayaasha tamarta ee Ukraine.
“Tallaabooyinka ugu horreeya ee lagu dhisayo nabadda dhabta ah waa Ruushka, inuu joojiyo weerarradan,” ayuu Zelenskyy ku yidhi qoraal uu soo dhigay Telegram.
Dhanka kale, Shirkadda hawada sare ee Maraykanka ee Maxar Technologies ayaa Jimcihii xannibtay sawirada satellite-ka oo ay siin jireen Ukraine, kadib markii maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu joojiyay xogta uu la wadaago Kyiv.