Ra’iisul Wasaarihiii Hore ee Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah…

Ra’iisul Wasaarihiii Hore ee Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook kaga hadlay khilaafka golaha shacabka barlamaanka Somalia iyo tallaabooyinkii uu qaaday guddoomiye Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
“Waa wax aad looga xumaado fawdada ka socota Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda oo ah hay’adda ugu sarraysa Dalka, Hab-dhaqankaan waa mid niyad jabinaya Shacabka sawir xunna ka bixinaya Dawladnimadeenna.
Waxaan cambaaraynayaa gacan qaadka loo gaystay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka taas oo xadgudub ku ah xasaanadda Xildhibaannada, sidoo kale waa arrin argagax leh in Gudoonka Baarlamaanku ay isticmaalaan erayo takoor ah, kuwaas oo ka baxsan diinteenna iyo dhaqanka suubban.
Sidoo kale waxaan cambaaraynayaa xadgudubka loo gaystay Saxafiyiinta oo isugu jiray gacan ka hadal iyo carqaladayn shaqadooda ah, waa arin Khilaafsan Dastuurka oo dhawraya xaqa fikirka iyo xornimadiisa.
Waxaan ugu baaqayaa hoggaanka Golaha iyo mudaneyaasha Baarlamaankuba in ay ku noqdaan xayndaabka Sharciga, ilaaliyaanna dareenka Shacabka Soomaaliyeed ee ay matalaadooda ku fadhiyaan”.