RW hore Rooble oo ka hadlay safar laga hor Istaagey.

23 February, 2025

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay caqabado uu kala kulmay socdaal…

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay caqabado uu kala kulmay socdaal uu ku tegey magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Africa iyo xaaladda siyaasadeed ee ay haatan ku sugan tahay Soomaaliya.

Rooble oo ka hadlayey shir ka dhacay Koonfur Afrika waxa uu sheegay in laga hor istaagye safarkiisa Johannesburg muddo 20 cisho ahna carqalad xooggan lagu wadey, haseyeeshee uu go’aansaday inuusan dhibaato geysan tanaasulna muujiyo.

“Caqabado ayaa dhacay siday rabaanba ha u dhacaana, 20 cisho ayaan aniga iyo asxaabtaydu isku deynay inaan arrintaas aanan ka hadlin oo dhibaato geysan, saaxiibaday qaar dhibkii dhacay ayey u hareen oo safarka waa ka baaqdeen, markaan dalka ku laabto saaxiibadayda dowladda waa u tegayaa waana la xisaabtamayaa”, ayuu yiri Rooble.

Dhanka kalena, RW hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuusan dib u raacin dhabbihii horay looga diidey madaxdii isaga ka horraysay.

“Wixii shalay walaalkey Farmaajo aan kor ugu sheegay hoosna ugu sheegay ayaan rabaa inaan maantana walaalkey Madaxaweyne Xasan Sheekh kor iyo hoos ugu sheego taas oo ah in wax loo dhan yahay la wada helo,Waxaan shalay anigu diiday yaan dalka lagu celin”, ayuu yiri RW Maxamed Xuseen Rooble.