RW ku xigeenka oo baaq ka diray qalalaasaha Boorama.

6 December, 2025

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa baaq nabadeed u diray maamulka…

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa baaq nabadeed u diray maamulka Somaliland iyo shacabka Awdal, kadib rabshadihii ka dhacay Boorama. Wuxuu tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay bannaanbaxa.

Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in rabshaduhu ahaayeen kuwa laga baaqsan karay. Wuxuu xusay in Awdal ay saldhig u tahay nabadda iyo aqoonta lagu yaqaan deegaannada Somaliland arintooda nabad lagu xalin karay.

Wuxuu ugu baaqay maamulka Somaliland inay xoogga saaraan isu soo dhowaanshaha shacabka, tabashooyinkana lagu xalliyo wadahadal iyo isu tanaasul. Wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay garnaqsi cad oo ku saabsan wixii dhacay si loo ilaaliyo xasilloonida.

Wuxuu baaq u diray odayaasha, culimada, waxgaradka, aqoonyahanka, ganacsatada, dhallinyarada iyo haweenka gobolka. Wuxuu ugu yeeray inay mideeyaan dadaallada nabadda iyo ilaalinta wada noolaanshaha.