RW Shehbaz Sharif oo ku hanjabey inay aar gudanayaan.

8 May, 2025

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa ku hanjabey inay u aari doonaan waxa uu ugu yeeray…

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa ku hanjabey inay u aari doonaan waxa uu ugu yeeray dhiiga shuhadada aan waxba galabsan, kadib markii ugu yaraan 31 qof lagu dilay tobanaan kalena lagu dhaawacay weerar ay India ku qaaday gobolka Punjab iyo Kashmir ee Pakistan maamusho.

Madaafiic culus oo la is weydaarsaday ayaa laga soo sheegay dhanka Xariiqda Xakamaynta ee kala qeybisa Kashmirta Pakistan ay maamusho, tan iyo markii ay bilaabatay xiisadda labada dhinac.

Diyaaradaha dagaalka India ayaa duqaymo ka fuliyey qaybo kamid ah dhulka Pakistan, waxaana tallaabadaasi xoojisey suurtagalnimada dagaal toos ah oo dhexmara dalalkaan ku qalabaysan hubka Nukliyeerka.

Qaar kamid ah dalalka deriska ayaa ugu yeeray labada dhinac inay joojiyaan hadalada xanafta leh, weerarada israsaasaynta u badan iyo diyaar garawga dagaalka si looga hortago khasaare intaas ka badan.