RW UK oo digniin u diray dalalka taageera kooxaha Yuhuud Nacaybka.

5 May, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer ayaa ku goodiyey inay jiri doonto “cawaaqib xumo” ka dhalata haddii…

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer ayaa ku goodiyey inay jiri doonto “cawaaqib xumo” ka dhalata haddii la ogaado in kooxaha ajnabi ah ay ka dambeeyaan weerarrada nacaybka Yuhuudda ee dhawaanahan ka dhacay UK.

Isagoo la hadlayay wasiirrada dowladda, taliyayaasha booliiska, iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ee Downing Street, Sir Keir Starmer wuxuu xaqiijiyay in mas’uuliyiintu ay baarayaan in dowlado shisheeye ay mas’uul ka ahaayeen kicinta nacaybka ee Golders Green.

“Fariinta aan u dirayno Iiraan ama waddan kale oo laga yaabo inuu doonayo inuu dhiirrigeliyo rabshadaha, nacaybka ama kala qaybsanaanta bulshada waa inaan loo dulqaadan doonin,” ayuu yiri Starmer.

Ugu dambayntiina Keir Starmer, waxa uu caddeeyey in cidkasta oo lagu helo arrintaasi ay mari doonto cawaaqib xumo xooggan,”Waxaan caddaynaynaa in ficilladani ay yeelan doonaan cawaaqib haddii ay taasi dhacdo.”