RW Xamsa oo Dhagax dhigay Machad Cusub oo Horumarinaya Beeraha Soomaaliya

16 November, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha Qaranka, isaga oo sheegay in machadkani uu noqon doono xarun soo saarta khubaro Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaata kobcinta wax soo saarka beeraha. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in horumarinta aqoonta beeraha ay lagama maarmaan u tahay mustaqbalka dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in beeruhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya, isla markaana door muhiim ah ka ciyaaraan horumarinta bulshooyinka caalamka. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso kordhinta wax soo saarka gudaha, xilli uu caalamku wajahayo cabsi ku saabsan cunno yaraan sababo la xiriira dalal badan oo dhoofintooda cunaqabatayn ku soo rogay.

Isaga oo ka hadlayay fursadaha beeraha dalka, Xamsa Cabdi Barre wuxuu tilmaamay in dhulka Soomaaliya uu yahay mid u aad u habboon beerista, isla markaana leh biyo ku filan haddii si wanaagsan loo maareeyo. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay gaari karto isku filnaansho haddii la xoojiyo wax soo saarka beeraha, taasoo ka mid ah himilooyinka ugu waaweyn ee xukuumaddiisa.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu uga mahadceliyay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dadaalka ay ku bixisay abaabulka beeraleyda iyo horumarinta iskaashatooyinka. Wuxuu ku baaqay in la kordhiyo wacyigelinta iyo aqoonta beeraleyda, isagoo ganacsatada Soomaaliyeed ugu yeeray inay dib u eegaan maalgashiyadooda oo ay xoogga saaraan wax soo saarka gudaha.

Ugu dambeyn, Xamsa Cabdi Barre wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku taallo goob istaraatiji ah oo ay dalal badan danaynayaan, gaar ahaan maalgashiga beeraha iyo xoolaha. Wuxuu muujiyay kalsooni ah in soo celinta awoodda wax-soo-saarka beeraha ay noqon doonto mid wax weyn ka beddesha dhaqaalaha iyo isku filnaanshaha cuntada ee dalka.