RW Xamse Cabashadii Shacabka kaga jawaabay kormeer uu ku tagay NIRA.

3 November, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer degdeg ah ku tagay xarun ka…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer degdeg ah ku tagay xarun ka tirsan Hay’adda Aqoonsiga Qaranka NIRA oo ku taalla degmada Hodan, kadib cabasho ay shacabka ka muujiyeen adeegyada halkaas laga bixiyo.

Kormeerkan ayaa yimid kadib markii baraha bulshada lagu baahiyey muuqaallo muujinayey haween iyo dad kale oo habeenkii hurdaya bannaanka xarunta si ay u helaan adeegga kaarka aqoonsiga, taas oo dhalisay caro iyo muran bulshada dhexdeeda ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si adag u sheegay in aan la aqbali karin xaaladdaas, isagoo faray madaxda NIRA in la kordhiyo jadwalka shaqada si culeyska loo yareeyo, isla markaana la hubiyo in adeegga si hufan loogu adeego shacabka.

Wuxuu sidoo kale amray in nidaamka la hagaajiyo si loo kala saaro dadka doonaya isdiiwaangelinta iyo kuwa u imaanaya qaadashada kaarkooda, taasoo fududeyn doonta bixinta adeegga iyo yaraynta saxmadda xarumaha.

Kormeerkan ayaa ku soo beegmaya kadib markii maalmahii u dambeeyey la soo gudbinayey cabashooyinka shacabka ay ka muujiyeen xarumaha NIRA, iyadoo sawirradii ugu dambeeyey ee baraha bulshada lagu baahiyey ay muujiyeen hooyooyin iyo dad waayeel ah oo habeenkii jiifay iridka xarumahaas.