Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa habeenimadii xalay guryahooda ugu booqday madaxweynihii hore ee…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa habeenimadii xalay guryahooda ugu booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in gogosha dowladda ay markasta fidsantahay, albaabka madaxdana uu furanyahay, muhiimna tahay in dhinacyada lagala fariisto xal-u-halista arrimaha taagan, isagoo ka raaligeliyey xanibaaddii lagu sameeyey habeenimadii xalay.
Xafiiska RW Xamse ayaa eedda dhacdadii afaafta xerada Xalane dusha uga tuuray Mas’uuliyiinta hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka ee NISA oo ay shegeen inay ka dambeysey celinta madaxdii hore.
Kulamadan ayaa waxaa ay ka dambeeyeen , kadib markii Golaha Mustaqbalka ay sheegeen in xarunta Xalane gaar ahaan hotel Airport laga celiyay madaxweyne hore Sheekh Shariif iyo RW hore Maxamed Xuseen Rooble oo ka qaybgeli lahaa kulan ay yeelan lahaayeen Madaxda Jubbaland iyo Puntland.



