Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa hoygiisa ugu sameeyay casho sharaf…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa hoygiisa ugu sameeyay casho sharaf uu ku maamuusayo Suldaan Maxamed Suldaan Xaaji Xasan (Gababa), oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Suldaanka uu yahay astaan u taagan midnimada iyo ilaalinta qiyamka dhaqanka Soomaaliyeed ee faca weyn, isaga oo xusay kaalinta muhiimka ah ee uu ku leeyahay dowlad-dhiska iyo nabadeynta bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Geeska Afrika.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Suldaanka doorkiisa shariifka ah ee uu ka qaatay hoggaaminta dhaqanka Soomaaliyeed, nabadda, dib-u-heshiisiinta. Waxaa uunna sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay la tashiga bahda dhaqanka iyo qeybaha bulshada, si loo hirgaliyo dowladnimo xooggan oo ku dhisan aragti wadaag iyo wadatashi.
