Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa oo ka qayb galay munaasabad lagu…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa oo ka qayb galay munaasabad lagu maamuusayay sanadguurada 66-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadda.
Ra’iisul Wasaaruhu, waxa uu hoosta ka xarriiqay in dal aan lahayn ciidan awood leh uusan yeelan karin sharaf iyo karaamo, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo dhismaha ciidan leh awood iyo caqiido wanaagsan oo ilaaliya diinta, dadka iyo dalka.
Dhanka kalena, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa sheegay inaan la aqbali karin in Madaxda dowlad goboleedyadu u hanjabaad dowladda federalka ah ee Somalia, isagoo ciidamada amray inay waajibaadkooda ka gutaan tallaabana ka qaadaan.
“Nin Dowlad-goboleed xukuma ayaa noogu hanjabaya in uu dalka kala jarayo, haddii aan lala aadin Doorasho Dadban, ciidankoow diyaar garooba idinkaa waajib idinka saaran yahay”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.



