RW Xamse oo ciidamada iyo shacab kula ciidey furimaha dagaalka.

30 March, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka Salaadda Ciidda la oogay…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka Salaadda Ciidda la oogay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka ku dhaqan magaalada Nambar 50 ee gobolka Shabellaha Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada deegaanka uga mahad celiyey sida ay ugu istaageen in cadowga ay ka difaacdaan deegaankooda waxaana uu ugu baaqay inay garab istaagaan halganka Khawaarijta looga xoreynayo guud ahaan dalka, gaar ahaan goobaha ay ka joogaan gobolka Shabeellada hoose.