RW Xamse oo eedayn ujeediyey siyaasiyiinta mucaarka.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, lagu ansixiyey Hindise-Shraciyeedka Machadka Sare…

25 September, 2025

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, lagu ansixiyey Hindise-Shraciyeedka Machadka Sare ee Arrimaha Sharciga, iyo Hindise-Shrciyeedka Sharciga Badqabka Caanaha, kuwaas oo muhiimad weyn u leh adeegga bulshada

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira dib-u-habeynta iyo kororka dakhliga gudaha, amniga caasimadda, gaar ahaan fulinta xeerkii Xakamaynta Hubka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah dowladnimada, ilaalinta xuquuqul insaanka iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha xukukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa sheegay in falkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho uu yahay mid wax u dhimaya ammaanka dalka muujinayana inaan horumarka loo ogolayn caasimadda dalka sida uu hadalka u dhigay.

”Falkii shalay lagu weeraray saldhigga Boliiska, waxaa uu xambaarsanaa farriin ah Muqdisho uma qalanto hormar iyo xasillooni, waxaana lagu diidanaa in Muwaadiniinta loo celiyo xaquuqdooda dastuuriga ah iyo la dagaallanka Khawaarijta. Hay’adaha amniga waxaan farayaa in ammaanka Muwaadiniinta ay sugaan, kana hortagaan cid kasta oo ku kacda fal dambiyeed.”