RW Xamse oo isku shaandhayn ku sameeyey golihiisa xukuumadda.

27 April, 2025

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa isku shaandhayn kooban ku sameeyey…

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa isku shaandhayn kooban ku sameeyey qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda, taasi oo lagu sheegay tallaabo lagu xoojinayo shaqooyinka dowladda.

Wasiirkii arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa xilkii laga wareejiyey waxaana loo bedeley Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo dhowaan wasiirkii hore laga qaaday.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo horey u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga ayaa loo beddelay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda Dan-qaran ee uu hoggaamiyo RW Xamse.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee hore ee dalka C/Salaan Cabdi Cali Dhaay ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.