RW Xamse oo ka digay Khatarta Tahriibka ee Caruurta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay tahriibka, isagoo xusay in dhibaatooyinka ugu waaweyn…

20 November, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay tahriibka, isagoo xusay in dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysta carruurta Soomaaliyeed ay ka mid tahay khatarta socdaalka sharci darrada ah ee ay badaha iyo saxaraha ku galaan. Wuxuu sheegay in mustaqbalka dalka uu ku xiran yahay sidii carruurta loogu abuuri lahaa nolol ammaan ah iyo fursado waxbarasho oo wanaagsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 10-aad ee ku biirista Soomaaliya ee Heshiiska Xuquuqda Carruurta ee Qaramada Midoobey (CRC), taas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Wuxuu xusay in carruurta Soomaaliyeed ay weli wajahaan caqabado adag oo saameeya korriinkooda, caafimaadkooda iyo helitaanka xuquuqdooda aasaasiga ah.

Mudane Xamsa ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ku habsaday ubadka, kuwaas oo ay ka mid yihiin tahriibka, marin-habaabinta argagixisada, qabyaaladda, daroogada iyo shaqaaleysiinta carruurta aan qaan-gaarka ahayn. Wuxuu ku baaqay in si wadajir ah loo xalliyo arrimahan si loo badbaadiyo jiilka soo koraya.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu caddeeyay in Xukuumadda DanQaran ay qaaday tallaabooyin sharci iyo siyaasadeed oo lagu difaacayo xuquuqda carruurta, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan ubadka dalka ay helaan waxbarasho tayo leh iyo adeegyadii aasaasiga ahaa ee caafimaadka. Wuxuu sheegay in mustaqbal la’aanta carruurta ay la mid tahay mustaqbal la’aanta dalka.

Ugu dambeyn, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Aadanaha dadaalka ay ku bixinayso ilaalinta xuquuqda carruurta, isagoo ku boorriyay hay’adaha dowliga ah, bulshada rayidka iyo hay’adaha caalamiga ah in ay ka shaqeeyaan horumarinta iyo difaacidda ubadka Soomaaliyeed.