Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay hadalladii gafka ahaa ee ka soo baxay…

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay hadalladii gafka ahaa ee ka soo baxay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kuwaas oo si weyn uga careysiiyey shacabka Soomaaliyeed. Xamse ayaa jawaabta bixiyey markii wax laga weydiiyey sabab dowladda uga jawaabin hadalka Trump.
Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in weerarada afka ee Trump aysan ku koobnayn Soomaaliya balse uu horey u beegsaday dalal kale oo caalamka ah sidaa awgeed uusan hadalkiisa ahayn mid hadda bilowday. Waxa uu xusay in hadalka Madaxweynaha Mareykanka uu yahay mid aan meel ku wajahnayn waxna soo kordhinayn.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku taliyey in hadallada Trump laga aamuso, islamarkaana aan laga dhigmin arrin u baahan iska horkeen ama jawaabo culus.
“Donald Trump wadamo badan ayuu wax ka sheegay, in aynan ka hadlin oo iska dhaafno ayaa wanaagsan,” ayuu yiri Xamza.
Hadalkaan Ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid iyadoo si weyn looga falceliyey hadalladii Trump ee gefka ku ahaa dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed. Baraha bulshada ayaa aad looga falanqeeyey hadalka Trump.



