RW Xamse oo shaaciyey in muddo xileedka dowladda uu ka dhiman yahay hal sano.

21 April, 2026

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre ayaa si adag uga hadlay xaaladda…

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre ayaa si adag uga hadlay xaaladda ammaan ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo muddo xileedka hay’adaha dowladda federalka ah ee Somalia.

RW Xamse, waxa uu sheegay in dalku uu ka soo daalay colaado sokeeye, wuxuuna mucaaradka uga digey abaabul dagaal iyo inay bulshada ugu goodiyaan falal ammaan xumo oo ka dhaca Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

“Dadka Soomaaliyeed waa ay ka gudbeen xiligii loogu goodin jiray amniga ayaan dhimayaa, ciidamo ayaa aruurinayaa xiisana uma qabaan, Dalkan inaan ku celino meeshii uu ka yimid ee foosha xumeyd waa khasaaro adduun iyo mid aakhiro”, Ayuu yiri RW Xamse Cabdi Barre.

Dhanka kalena, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa sheegay inay haystaan hal sano oo muddo xileed ah marka loo akhriyo dastuurka cusub ee barlamaanku meelmariyeen isagoo digniin u diray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

“Muddo-xileedkeenna waa shan sanno, Dastuurka cusub ayaan ku dhaqmaynaa, ninka Dowlad-goboleedka jooga xildhibaannadii uu soo xoogay baa Dastuurka sameeyey, Xasanna doortay, haddii aadan aqbalayn maxaa dadka u soo boobtay”, Ayuu yiri RW Xamse.