Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markale ku goodiyey inaysan Somalia…

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markale ku goodiyey inaysan Somalia dib ugu laaban doonin doorashooyinkii dadbanaa ee 2022, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi aysan dhankooda suurtagal ka noqon doonin.
“Hal xabbo waa adagtahay waxayna ka hor imaanaysaa mas’uuliyaddeen waana meesha taagnaada oo teendhadii aan kuugu imaado, laakiin jidkaas aan qaadayno kaalay jeex igu horsoco halkaas aan isla marno”, Ayuu yiri RW Xamse Cabdi Barre.
RW Xamse ayaa markale yiri, “Doorasho dadban ha laga guuro dhammaan dadka Soomaaliyeed waa isku waafaqsan yihiin, marka waxaan leeyahay ka guuri mayno doorasho dadbane nolosha dadban oo dhan ayaan ka guuraynaa waxaanna u guuraynaa barwaaqo”.



