RW Xamse oo sheegay inuusan kursiga ku matalin Puntland iyo Jubbaland.

16 September, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federlka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federlka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey su’aallo la xiriirra waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda DanQaran saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa soo bandhigay guulaha waaweyn ee ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran ee dhinacyada amniga, siyaasadda dhaqaalaha, dowlad-wanaagga, horumarinta adeegyada bulshada, xiriirka caalamiga ah, doorashooyinka, xiriirka dowlad-goboleedyada iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalka.

Xamse Cabdi Barre oo wax laga waydiiyey khilaafka Puntland iyo Jubbaland kala dhexeeya DFS & sida ay u maqan yihiin deegaanada uu saami qaybsiga Soomaalida ka soo jeedo ayaa sheegay inuusan kursiga ugu fadhin labadaasi maamul haseyeeshee uu ku matalo Soomaali oo dhan sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kalena, RW Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Puntland ay ka horrayso Soomaaliya inteeda kale isla markaana ay muhiim tahay in arrimaha doorashooyinka lagala hadlo marka la soo gaarsiiyo Koonfurta dalka sida uu hadalka u dhigay.

“Puntland dalka inta kale (Koonfurta) way ka horraysayaa casharadeeda weli ma gaarin markaan soo gaarno juska ay joogaan ayaan ka wada hadli doonaa, doorashooyinka golayaasha deegaankana waa qabsadaane”, Ayuu yiri RW Xamse.