RW Xamse oo weerar afka ah ku qaadey qaar kamid ah dowladaha saamaynta ku leh siyaasadda dalka.

19 May, 2025

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa weerar afka ah ku qaaday…

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa weerar afka ah ku qaaday qaar kamid ah dowladaha shisheeye ee saamaynta kuleh arrimaha siyaasadda ee dalka.

RW Xamse ayaa sheegay in qaar kamid ah dowladahaasi ay adeegsadaan siyaasiyiinta Soomaalida dhaqaalena ku siiyaan inaan dalku horay u socon, isagoo xusay in DFS ay ogtahay in farrimaha mucaaradku ay ku socdaan dalalkaas oo xilliyadaan oo kale ka baayacmushtara Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

“Doorasho dadban waxay dan u tahay qof aan ka shaqaynayn danta qofka, qabiilka iyo dalka Soomaaliyeed, waxay dan u tahay dowlado idinkaba aad garanaysaan oo markii xilliyadaan la soo gaaro shaqadoodu tahay inay siyaasiyiinta kala laaluushaan oo lacag siiyaan”, Ayuu yiri RW Xamse.

“Waxaan ognahay inay dowladahaas hebel u yeer deedna xoogaa yar oo aan micne lahayn siiyaan, saaxiibaday qaarkood ereyada ay leeyihiin waxaan ognahay inaysan dadka Soomaaliyeed ula jeedin ee ay meel kale u wadaan”, Ayuu yiri Markale RW Xamse.