Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shacabka caasimadda kala qeyb-galay afur…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shacabka caasimadda kala qeyb-galay afur wadareed ka dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha, taasi oo muujinaysa horumarka amni ee ka hirgalay caasimadda Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xoog badan galisay sidii loo xaqiijin lahaa amniga caasimadda, isaga oo uga mahadceliyay bulshada caasimadda sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen hey’adaha amniga ee suurageliyay in caawa nabad loogu afurayo suuqa Bakaaro.
Dhanka kalena, RW Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dhalinyaro u baahan go’aan ka gaarista mustaqbalkooda iyo inay soo doortaan dadka xilalka u qabanaya, sida uu hadalka u dhigay.
“Waa xaq dastuurka ku qoran oo dadka Soomaaliyeed ka maqan oo maalin walba qof aysan dooran dusha laga saaro, maalin walba waxaa nalakula dagaalamaa inaan dhehno aan dadka xaqooda u celino, anigu in Xamse ama Xasan Sheekh la doorto shaqadayda ma ahan laakiin waxaan rabaa in dadkaygu qofkay dooranayaan ay ka go’do”, Ayuu yiri RW Xamse.