RW Xamse,”Saddexda sano ee aan joogey dalkaan shaqo weyn ayaa laga qabtay”.

18 August, 2025

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre ayaa si adag ugu faanay waxyaabah…

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre ayaa si adag ugu faanay waxyaabah ay xukuumaddiisu ka qabatay isla xisaabtanka iyo ka dhabaynta balanqaadyo uu horay u sameeyey.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in isla-xisaabtakani uu muujinayo ballanqaadkiisii ku aaddanaa dowlad wanaagga, waxa uuna xusay in saddexdii sano ee la soo dhaafay ay Xukuumaddu xaqiijisay horumarro muuqda oo dhinacyo badan leh.

“Waxaan rabnaa in aan iskula xisaabtanno wixii ka hirgalay qorsheyaashii aan shacabka Soomaaliyeed la wadaagnay, caqabadaha yimid iyo waxa inala gudboon, saddex sano ayaan soo dhammaynay waxaan galnay sanadkii afaraad, waxaan hubaa waddanka in aad shaqo wayn ka qabateen dhinac kasta marka laga fiiriyo.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.