Rwanda ayaa xaqiijisay inay aqbali doonto muhaajiriin laga soo tarxiilo Mareykanka, iyadoo madaxweyne Donald Trump uu sii wado dadaallada lagu doonayo in dad badan laga masaafuriyo Ameerika.

Talaadadii, afhayeen u hadashay dowladda Rwanda, Ms.Yolande Makolo, ayaa qirtay in waddankooda uu ogolaaday in la qaabilo illaa 250 qof oo laga soo tarxiilayo Mareykanka.
Afhayeenka Rwanda, Makolo ayaa sheegtay in Rwanda ay yeelan doonto go’aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan cidda la keeni karo waddankooda.
Rwanda hadda waa waddankii saddexaad ee Afrikaan ah, marka laga reebo Koonfurta Suudaan iyo Eswatini, oo heshiis la gala Mareykanka si uu u aqbalo dadka aan u dhalan dalkooda.
Laakiin dadaallada maamulka Trump ee ah in si degdeg ah muhaajiriinta looga masaafuriyo Mareykanka ayaa kor u qaaday walaacyo badan oo xagga xuquuqda aadanaha ah, gaar ahaan dadka loo diro wadamao aysan u dhalan.
Qaar ka mid ah wadamadaas oo ay ku jirto Rwanda ayaa la kulmay dhaleecayn la xiriirta heerkooda xuquuqul insaanka.
Dhanka kale, Trump ayaa lagu dhaleeceeyay inuu wadamada Afrika uu doonayo inuu u isticmaalo “goob lagu daadiyo” muhaajiriinta uu tarxiiayo.



