Rwanda ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqday inay jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Belgium, waxayna dalkeeda ka eriday dhammaan diblamaasiyiinteeda, waxaana ku xigtay Belgium oo ku dhawaaqday: “Diblomaasiyiinta Rwanda waa dad aan loo baahnayn”.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay wasaaradda arrimaha dibadda ee Rwanda inay ku amartay “dhammaan dublamaasiyiinta Belgium inay dalka kaga baxaan 48 saacadood gudahood.”
Intaa ka dib, Belgium ayaa yiri, “Diblomaasiyiinta Rwanda laguma soo dhaweynayo dalka, ka dib markii Rwanda ay ku dhawaaqday inay jartay dhammaan xiriirkii diblumaasiyadeed ee nagala dhaxeeyay.”
Bogga “X”, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Belgium Maxime Prévot ayaa qoray, “Belgium way ka xun tahay go’aanka Rwanda ee ah in ay xidhiidhka diblomaasiyadeed u jarto Belgium oo ay ku dhawaaqdo diblomaasiyiin Belgian ah qof aan grata ahayn.”
“Tani waa cabbir aan is-miidaamin, waxayna muujineysaa in marka aan khilaafno Rwanda, ay door bidaan in aysan wada hadal la gelin,” ayuu raaciyey.
Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa ku eedeeyay Belgium inay kor u qaadayso cunaqabataynta caalamiga ah ee dalkiisa oo ka dhan ah colaadda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
“Belgium, waa gumeystihii hore ee Ruwanda, waxay taariikh u leedahay inay burburiso dalka, waxayna qabsatay qayb weyn oo ka mid ah dhulka Rwanda waxayna siisay Congo xilligii gumeysiga, taasoo ka dhigtay Rwanda inay u muuqato mid ka yar Belgium,” ayuu ka sheegay Kigame kulan dadweyne oo ka dhacay caasimadda Kigali.
Horseed Media