Saadaasha roobka deegaamada Puntland ee todobaadka cusub oo hoosaysa.

17 October, 2025

Xarunta macluumaadka khayraadka biyaha iyo dhulka ee Puntland ayaa soo saartay saadaasha roobka ee maalmaha soo…

Xarunta macluumaadka khayraadka biyaha iyo dhulka ee Puntland ayaa soo saartay saadaasha roobka ee maalmaha soo socda (16 ilaa 22 Oktoobar 2025), waxaana jaantusku muujinayaa in rajada roobabka ee saadaashu hoosayso.

Degmooyinka Galdogob, Bursaalax, iyo deegaano hoostaga degmada Gaalkacyo ayay sheegtay in la filayo in ay helaan roobab dhexdhexaad ah, xaddi ahaana gaari kara (50-100 mm).

Dhanka kalena, degmooyinka Burtinle, Xarfo, Godobjiiraan, Jariiban, Qardho, Eyl iyo Caluula ay tilmaantay in la filayo in ay helaan roobab gaari kara (10-50 mm).