Saalax Jaamac oo Furay Shirweynaha U-adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi…

22 October, 2025

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah u furay Shirweynaha 2-aad ee U-adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya kaas oo socon doona muddo labo maalmood ah.

Shirkan ayaa sanadkan diiradda saaraya mowduuca Doorka Bulshada ee la Tacaalida Masiibooyinka iyo Isbeddelka Cimilada waxaana si wadajir ah u martigelinaya Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SODMA iyo Jaamacadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay xoojinta iskaashiga bulshada iyo hay’adaha dowladda ee la tacaalida xaalufka dabiiciga ah, fatahaadaha iyo isbeddelka cimilada isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay wajahayo caqabado isugu jira abaarta, daadadka iyo nabaad guurka.

Guddoomiyaha SODMA iyo madaxda Jaamacadda Muqdisho ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimada wada shaqeynta hay’adaha waxbarashada iyo kuwa dowladda si loo abuuro qorshe mideysan oo lagu dhisayo awoodda bulshada ee u adkeysiga aafooyinka.

Shirweynahan ayaa la filayaa in lagu soo saaro talooyin iyo qorshayaal wax ku ool ah oo lagu yareynayo saameynta masiibooyinka isla markaana lagu xoojinayo dadaallada dowladda iyo bulshada ee dhanka ka hortagga iyo u adkeysiga isbeddelka cimilada..