Saamaynta fariimaha digniinta ee horay u gaarin ku yeelatay beeraleyda deegaanka Kubo

11 December, 2025

Beeraleyda ku nool deegaannada miyiga ee Puntland, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanka Kubo ee degmada Qardho, waxay si joogto ah u wajahayaan halis ka dhalata musiibooyinka dabiiciga ah sida roobabka iyo daadadka kusoo noqnoqda, inkastoo hay’adaha dowladda iyo shirkadaha isgaarsiintu ay soo diraan fariimo digniin ah oo looga digayo musiibooyinka soo socda hadana beeraley badan wali si joogto ah uma helaan digniinta musiibooyinka soo socda.

Beeraha Kubo

Digniinadu waxay door weyn ka ciyaaraan badbaadinta nolosha iyo hantida, balse caqabadaha dhanka isgaarsiinta, adeegga taleefannada oo kooban, fariimaha oo waqtigooda ku iman waaya iyo in si cad loo fahmin ayaa keena dad badan in ay la kulmaan musiibooyinka dabiiciga ah.

Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee beeraleyda Kubo hortaagan waa adeegga isgaarsiinta oo aad u liita. Ateenada taleefannadu si joogto ah uma shaqeeyaan, waxana inta badan dhacda in adeegga isgaarsiintu go’o marka ay timaado xaalad degdeg ah, sida roobab xooggan ama daadad.

Siciid Cabdullaahi Jaamac (Siciid Bagaato)

Siciid Cabdullaahi Jaamac (Siciid Bagaato), waa Aabbe haysta sagaal caruur ah, wuxuu ka mid yahay beeraleyda ugu waqtiga dheer ee deegaanka Kubo ee degmada Qardho ee gobolka Karkaar. Waxay isaga iyo beeraleyda kale ee deegaanku u nugul yihiin xaaladdan, waxaa khatar gasha noloshooda, xoolahooda iyo dalagga beerahooda, markii ay timaado musiibadu.

Siciid Bagato, wuxuu sheegay in bulshada deegaanka Kubo ay diyaar u yihiin in ay dhul siiyaan shirkadaha isgaarsiinta, haddii ay helayaan adeeg isgaarsiin oo hagaagsan oo badbaado u horseeda.

“Khadku 80% ma shaqeeyo, dhowr jeer waa la hadalnay shirkadaha, waxaanu niri ateenada noo soo dhoweeya, laakiin u joojin mayaan, meeshii (interest) dan ugu jirto bay aadayaan, laakiin dhul baan siin lahayn haddii ay ateeno iyo wax uun ay inoo keeni lahaayeen”Ayuu yiri; Siciid Cabdullaahi Jaamac.

Isaga oo sii sharaxaya sida ay u ogaadaan daadadka soo socda ayaa sheegay in ay ku tiirsan yihiin isgaarsiinta dadka kale ee meelaha sare jooga, halkii ay ka heli lahaayeen digniin rasmi ah oo la isku halleyn karo.

“Waxaan annagu ku ogaanaa inuu daad soo socdo, meesha biyuhu ka yimaadaan dad baa degan, aalaaba waa iska war haynaa, taleefanadayada iyo lambarada waa kala qoronaa. Marka dadkaas baa inoo sheega in biyo xadka ka baxay oo sidoodii hore ahayn soo socdaan. Annagu wax kale oo aqoon iyo cilmi aan u leenahay ma jiraan.”Ayuu yiri; Siciid Bagaato.

Magaalada Qardho iyo deegaanka Kubo waxay sannad kasta oo xili roobaad ah la kulmaan daadad culus oo geysta khasaare naf iyo maal leh. Beeraleydu waxay tilmaameen in mararka qaarkood biyuhu ugu yimaadaan si degdeg ah oo aysan taxadar kasii samayn.

“Habeenkii macal magaalada Qardho biyuhu la tageen, waxaan xogta ku ogaanay taleefano nala soo wacay oo la yiri ‘biyaha iska jira’, haddii la yiri iska jiraba intii biyuhu soo socon jireen in ka yar bay soo socdeen, biyuhu xad bay soo socdaan, sharqantooda dhagaysannaa, hugunkooda maqalnaa, muddo ayey kobta kusoo jiraan, laakiin biyahaas waxay ahaayeen biyo masiibadooda wata oo daqiiqad bay noogu yimaadeen, dadkii nalahaa iska ilaasha qaybtood iyaga oo khadka ku jira ayey biyuhu yimaadeen, laakiin markiiba qaylo ayaanu bilownay biyihii guryaha ayey galeen, waxaanu samaynay meelaha dhaadheer oo ah berkadaha kor u dhiska ah oo tuuladu berkado kor u dhis ah ayey leeyihiin, halkaas ayaa joodariyadii, dharkii, caruurtii iyo wixii aan badbaadsan karnay saarnay laakiin raashinkii, digaagii iyo arigii qaybtiis waa ka samirnay”ayuu yiri; Siciid Bagaato.

Maymuun Cabdilaahi Siciid

Maymuun Cabdilaahi Siciid oo kamid ah haweenka beeraleyda deegaanka Kubo ayaa sheegtay fariimaha oo aan si cad loo fahmin in ay ka mid tahay caqabadaha haysata, maadaama dadka qaar akhriska qoraalku ku adag yahay, hase yeeshee waxaa jira habab kale oo ay isku gaarsiiyaan fariinta oo ah qofkii digniinta hela isla markaana fahma inuu usii sheego dadka kale ee ku dhow, balse habkani ma dammaanad qaadi karo in dhammaan beeraleydu digniinta ku helaan waqtigeeda, gaar ahaan marka adeegga taleefannada iyo korontadu go’aan xiliga musiibada.

“Fariimaha shirkadaha taleefanada ayey kasoo dhacaan, laakiin dadku ma wada akhrin yaqaano, qofkii taleefanka niiclaha sita (taleefanada yaryar ee internet lahayn) ee akhris qoraal aqoon wey ku adag tahay inuu fahmo, waxa usoo dhacaba lacag buu moodayaa, laakiin dadka deegaanka ayaa hadana gaarsiiya oo qofba qofka kale u sheega”ayey tiri; Maymuun.

Maamulaha Wasaaradda Beeraha Puntland ee degmada Qardho

Maamulaha Wasaaradda Beeraha Puntland ee degmada Qardho, Cabdiraxmaan Jaamac Barre, ayaa u sheegay Horseed Media in fariimaha wacyigelinta iyo digniinta aysan si buuxda u gaarin bulshada ku nool deegaanka Kubo oo u nugul saamaynta musiibooyinka dabiiciga ah.

“Deegaanka Kubo iyo ilaa lix deegaan oo Qardho ku hareeraysan waa beeraley xoolo dhaqato ah, fariimuhu ma gaaraan sababto ah dhinaca wacyigelinta oo heerkii loo baahnaa bulshadu ka gaarin, inta gaadha farrintu waa 30%, intaasina waa abaabulka ay sameeyaan maamulka heer degmo iyo bulshadu is-abaabulay, laakiin wali fariimuhu sidii la rabey oo taabagal ah uma gaarin”ayuu yiri; Maamule Cabdiraxmaan Jaamac Barre.

Cabdiraxmaan Jaamac ayaa xusay in beeraleyda degmada Qardho u baahan yihiin in laga taageero agabyada fududaynaya helitaanta xogta digniinta degdeg ah, bulshadana dhankooda isku xirkoodu muhiim yahay.

“Waxay u baahan yihiin dadku in ay helaan kooxo abaabulan oo tababaran oo ah bulshada meesha degan, waxay u baahan yihiin qalab, waxay u baahan yihiin isku xir xilqaaman, bulshadu haddii aysan iyagu iska xil-qaamin ilaalinta deegaanka, iskaashigii cudurada oo qofkoodii aqoonta leh, fariintii kii danyarta ahaa in la gaarsiiyo, wax walba waxay ku dhismaan si walba oo fariintu dadka u gaari lahayd”Ayuu yiri; Maamulaha Wasaaradda Beeraha Puntland ee degmada Qardho.

Horseed Media