Gooni-u-goosadka STC ay taageerto Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeeyay Sacuudi Carabiya, oo ah taageeraha ugu weyn ee dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen, inay weerartay xaruntooda Xadramowt Jimcihii, maalin ka dib markii boqortooyadu ay ku dhawaaqday inay soo celiyaan dhulkii dhawaan la qabsaday.

Ma jirin warbixin weli laga soo saaray khasaaraha ka dhashay duqeymaha cirka, taasoo keentay cabsi laga qabo inuu sii fido dagaalka kadib sannado xasillooni yari dhulkaasi ka jirtay, dalkaasi ayey ka socdeen iskahorimaadyo muddo ka badan toban sano oo u dhaxeeyey kooxaha Xuutiyiinta iyo dowlada Caalamka aqoonsan yahay.
Horumarka dhawaan kooxda gooni-u-goosadka STC ee koonfurta Yemen sameeyeen ayaa cadaadis ku sii kordhiyay Sacuudi Carabiya oo taageerta dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen.
Dowladda Yemen iyo xoogaga gooni-u-goosadka ayaa horey si wadajir ah ulla dagaalami jiray Xuutiyiinta ay taageerto Iiraan.
Duqeymaha cirka ayaa ka dambeeyay iska horimaadyo Khamiistii ka dhacay aagga oo u dhexeeyay kooxaha gooni u goosadka ah iyo hoggaamiye qabiil oo xiriir laleh Sacuudiga.
Sarkaal ka tirsan ciidamada oo ku sugan Xadramawt ayaa sheegay in hoggaamiyihii qabiilka uu ka baxay aagga dagaalka kadib.
Jimcihii, Imaaraadka Carabta ayaa soo dhaweeyay dadaallada Sacuudi Carabiya ay ku taageerayso amniga Yemen, iyadoo labada xuluf ee Khaliijka ay isku dayayeen inay soo bandhigaan isbahaysi mideysan inkastoo ay taageerayaan dhinacyo kala duwan dagaalladii ugu dambeeyay.
Wafti ka socda militariga Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa booqday Cadan horraantii bishan si ay uga codsadaan STC inay soo celiyaan labadii gobol ee ay dhawaan qabsadeen, sida laga soo xigtay Riyadh.
Bishii Diseembar, STC oo ay taageerto Imaaraadka Carabta, oo doonaysa inay dib u soo nooleyso dowladdii hore u madax bannaanayd ee Koonfurta Yemen, ayaa ka saartay ciidamada kale ee dowladda iyo xulafadooda qaybo badan oo dalka ah, taasoo dhalisay cabsi laga qabo in xasillooni darro dheeraad ah dhacdo.
Yemen ayaa kala qaybsanayd in ka badan toban sano, kadib markii Xuutiyiintu ay dowladda ka saareen caasimadda Sanca sannadkii 2014 waxayna sii wadeen inay gacanta ku dhigaan inta badan waqooyiga.
Xuutiyiinta ay taageerto Iiraan ayaa dagaal kula jiray dowladda, oo ay taageerayaan isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga tan iyo 2015, colaad ay ku dhinteen boqolaal kun oo reer Yemen ah isla markaana dhalisay dhibaato bani’aadamnimo oo weyn.
Si kastaba ha ahaatee, dagaalku si weyn ayuu hoos ugu dhacay tan iyo markii la gaaray xabad joojin ay Qaramada Midoobay garwadeen ka ahayd sannadkii 2022.




