Sacuudig oo faah-faahiyey duqeyntii Yemen

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Riyadh ay ku eedeysay Abu Dhabi inay taageerto gooni-u-goosadka Yemen, isla markaana ay duqeysay shixnad hub ah oo Imaaraadka geeyey dekedda Mukalla.

31 December, 2025

Sacuudi Carabiya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay duqeyntii isbahaysiga uu ka geystay dekedda Mukalla ee Yemen, taasoo xiisad ka dhex abuurtay dalka deriska la ah ee Imaaraadka Carabta, isla markaana keentay in Imaaraadka Carabta uu sheego inay ciidamadooda kala baxayaan Yemen.

Afhayeenka isbahaysiga Major-General Turki al-Maliki ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya hawlgalkii milatari ee la fuliyay subaxnimadii hore ee Talaadadii shalay.

Wuxuu sheegay in ay caddaatay in labada markab ay sideen in ka badan 80 gaari, hub iyo rasaas.

Afhayeenku wuxuu sheegay in isbahaysigu uu u hoggaansamay xeerarka dagaalka intii lagu jiray hawlgalka milatari.

Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay inay ciidamadooda ka baxayaan Yemen, iyagoo ku dhawaaqay inay soo afjarayaan waxa ay ugu yeereen hawlgallada “la-dagaallanka argagixisada” ee halkaas ka socday, kadib markii Riyadh ay ku eedaysay Abu Dhabi inay taageerto gooni-u-goosadka Yemen Koonfureed (STC).

Ku dhawaaqista Talaadadii ayaa timid kadib markii dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ay ka dalbatay Imaaraadka Carabta inay ciidamadeeda ka saarto dalka 24 saacadood gudahood, baaqan oo ay taageertay Sacuudi Carabiya.

Kooxda STC, oo markii hore taageertay dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen oo ka dhan ah fallaagada Xuutiyiinta, ayaa bishan weerar ku qaaday ciidamada dowladda ee Sacuudi Carabiya ay taageerto, iyagoo raadinaya dowlad madax-bannaan ee koonfurta.

Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta, STC, oo ah koox ay taageerto Imaaraadka Carabta, ayaa bishan qabsaday inta badan gobollada Hadramout iyo Mahra, oo ay ku jiraan xarumaha shidaalka.