Sacuudiga oo duqeeyey Madaarka Sanca, Yemen

Sacuudiga iyo Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegay inay Isniintii duqeyn la beegsadeen garoonka diyaaradaha ee Sanca, si ay uga hortagaan in diyaarad Iiraan laga leeyahay ay ka degto caasimadda ay maamulaan Xuutiyiinta.

14 July, 2026

Wasaaradda Gaashaandhigga Yemen ayaa sheegtay in weerarku yimid kaddib markii wafdi ka tirsan Xuutiyiinta oo u safray Tehran si ay uga qaybgalaan aaska hoggaamiyihii geeriyooday ee Iiraan, Cali Khamenei, ay diideen inay kusoo laabtaan diyaarad ay leedahay shirkadda Yemenia, iyagoo ku adkaystay inay ku safraan diyaarad Iiraan laga leeyahay.

“Maleeshiyaadka Xuutiyiinta, oo uu taageero maamulka Iiraan, waxay ka hor istaageen diyaaradaha qaranka Yemen inay ka degaan garoonka diyaaradaha ee caasimadda Sanca, iyagoo isla markaana ku adkaystay in diyaarad Iiraan laga leeyahay loo oggolaado inay ku xadgudubto hawada Yemen. Sidaas darteed, waxaa la bartilmaameedsaday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan (runway-ga),” ayay wasaaraddu tiri.

Shalay gelinkii dambe, Guddoomiyaha Golaha Hoggaanka Madaxtooyada, Rashad Al-Caliimi, ayaa sheegay in dowladdu diyaar u tahay inay ka hortagto xadgudub kasta oo dheeraad ah oo Iiraan ku samayso madaxbannaanida Yemen.

Dhanka kale, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, Hans Grundberg, ayaa ugu baaqay Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen inay mudnaanta siiyaan diblomaasiyadda ayna ka fogaadaan sii hurinta xiisadda.

“Waxaan si firfircoon ula xiriirayaa dhammaan dhinacyada, xafiiskeyguna wuxuu la xiriiray wakiillada militariga ee dhammaan dhinacyada. Waxaan ku boorrinaynaa inay dejiyaan xiisadda kana fogaadaan tallaabo kasta oo halis gelin karta inuu Yemen galo wareeg cusub oo rabshado ah,” ayuu Grundberg ku sheegay qoraal lagu daabacay barta X ee xafiiskiisa.