Sacuudiga oo ka digay hakinta dhoofinta shidaalka Yurub kana digey beegsiga dhulka barakaysan.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday inay ka hortagtay diyaarado iswada oo ay ku eedeysay kooxda…

16 September, 2026

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday inay ka hortagtay diyaarado iswada oo ay ku eedeysay kooxda Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo ay Riyadh sheegtay inay ku soo wajahnaayeen dhulka barakaysan ee Makka.

Dhankooda, hoggaanka sare ee kooxaha Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa si degdeg ah u beeniyey in weerarradoodu ay bartilmaameedsanayaan goobaha barakeysan ee Islaamka, iyagoo sheegay inay tahay tallaabo boqortooyada Sucuudigu ku raadinayso dareenka Muslimiinta laguna majara-habaabinayo iska-caabbintooda.

Dhanka kale, Sacuudi Carabiya ayaa dalalka Yurub ku wargelisay inay toddobaadyada soo socda hakad gelin karto qaar ka mid ah shixnadaha shidaalka ee loo dhoofiyo Yurub, kaddib markii diyaarado iswada ay waxyeello u geysteen kaabayaal iyo dhuumaha shidaalka ee boqortooyada.

Maalinnimadii shalay ayaa si rasmi ah loo shaaciyey in la xiray qayb ka mid ah hawlaha shidaalka ee dekedda Yanbu ee ku taalla xeebta Badda Cas, taas oo muhiim u ah dhoofinta shidaalka Sacuudiga, siweynna saamayn ugu yeelan doonta qiimaha shidaalka iyo dhaqaalaha caalamka.