Sacuudiga oo martigelinaya kulan u dhexeeya Ukraine iyo Maraykanka

11 March, 2025

Maanta oo Talaado ah, Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa martigelineysa wadahadal u dhaxeeya Mareykanka iyo Ukraine, kuwaas oo la filayo inay goob joog ka noqdaan soo bandhigida qorshaha Ukraine ee xabbad joojinta uu qeybta ka yahay Ruushka.

Wadahadallada ka dhacaya Jeddah ayaa noqon doona kulankii ugu muhiimsanaa tan iyo markii uu dhacay iska horimaadkii afka ahaa ee naxdinta lahaa ee ka dhacay Aqalka Cad 28-kii bishii Febraayo, markaasoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku canaantay dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky inuusan Mareykanka u mahadcelin.

Shalay, Zelensky wuxuu u safray magaalada Jeddah si uu ula kulmo dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, laakiin wuxuu wadahadalka Mareykanka uga tagay 3 kaaliyihiisa sare ah.

Zelensky, waxa uu Sacuudiga uga mahad celiyay dadaalka iyo doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay gobolka iyo caalamkaba, waxaana uu xusay inuu kulan wanaagsan la yeeshay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, wuxuuna ku soo qoray baraha bulshada, “Aad bay muhiim u ahayd in la maqlo erayo ay ka buuxaan kalsooni oo ku saabsan mustaqbalka Ukraine.