Duqeynta cirka ayaa timid iyadoo khilaaf xooggan uu ka dhex jiro Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo taageeraya ciidamada la dagaallamaya fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen.

Ciidamada isbahaysiga ee uu hoggaaminayo Sacuudiga ayaa Arbacadii duqeymo cirka ah ka bilaabay gobolka Dhale ee Yemen, iyagoo bartilmaameedsanaya gobolka uu ka soo jeedo Aidarous al-Zubaidi, oo ah hoggaamiyaha Golaha Ku-meel-gaarka Koonfureed ee ay taageerto Imaaraadka Carabta (STC).
Al-Zubaidi waxaa laga saaray Golaha Hoggaanka Madaxweynaha ee Yemen, oo la aasaasay Abriil 2022 kadib markii uu xilka ka degay Madaxweyne Abed Rabbo Mansour Hadi ee dowladda Yemen ee caalamka aqoonsan yahay.
Xabad joojin jilicsan oo dhex martay kooxaha kasoo horjeeda Xuutiyiinta Yemen ayaa meesha ka baxday bishii Diseembar kadib markii STC ay bilowday inay qabsato dhulka koonfurta Yemen, iyagoo doonaya inay ku dhawaaqaan Madax-banaani.
Al-Zubaidi ayaa xalay loo qorsheenayey inuu u duulo dalka Sacuudi Carabiya isaga iyo mas’uuliyiinta kale ee golaha si ay uga qeyb galaan shirka Riyadh ee lagu dhex dhexaadinayo Dowlada Yemen iyo STC, laakiin saacadihii ugu danbeeyey ayuu diiday, isagoo walaac ka muujiyey amnigiisa hadii uu tago dalkaasi.
Sacuudiga ayaa xalay duqeeyey Saldhigyada xoogaga STC ee nawaaxiga Cadan.
Golaha STC ayaa sidoo kale sheegay in la jaray xiriirkii ay la lahaayeen wafdigoodii horudhaca ahaa ee ku sugan caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.
STC waxay sheegtay inuu hogaamiyahooda ku sugan yahay magaalada dekedda koonfureed ee Cadan, kuna mashquulsan yahay hawlgallada militariga iyo amniga.
Guddoomiyaha golaha Madaxtooyada Yemen, Rashad al-Alimi, ayaa ku eedeeyay al-Zubaidi inuu kicinayo kacdoon hubaysan, weeraray mas’uuliyiinta dastuuriga ah iyo inuu xadgudubyo u geystay dadka rayidka ah ee koonfurta Yemen.

Sannado badan, STC oo taageero ka helaysa Imaaraadka Carabta waxay la shaqeyneysay dowladda uu Sacuudigu aqoonsan yahay ee Yemen.
Laakiin ololahoodii degdegga ahaa ee STC bishii Diseembar kula wareegtay maamulka gobolka Xadramawt ee kheyraadka hodanka ku ah, ayaa beddelay isu dheelitirka awoodda waxayna kicisay cabsida Sacuudiga ee xasillooni darrada xuduudaheeda.
Ciidamada Yemen ee Sacuudiga taageero ayaa maalmihii lasoo dhaafay la wareegay goobo badan oo ay heysteen STC ee goballada Xadramawt iyo al-mahra.



