Hoggaamiyaha gooni-u-goosadka Yemen ayaa doon u raacay Berbera ka dibna wuxuu raacay diyaarad u duushay Abu Dhabi oo sii martay Muqdisho, sida uu sheegay isbahaysiga Sacuudiga.

Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya ee Yemen ayaa ku dhawaaqay in hoggaamiyaha Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC) uu u baxsaday Imaaraadka Carabta isagoo sii maraya Somaliland ka dib markii uu ka baaqday wadahadalkii nabadda ee la qorsheeyay inuu ka dhaco Riyadh, iyagoo ku eedeeyay Imaaraadka Carabta inay si sharci darro ah uga soo saareen dalka Yemen.

War-saxaafadeed Khamiistii ka soo baxay isbahaysiga ayaa lagu sheegay in Aidarous al-Zubaidi uu “baxsaday habeenimo” Arbacadii isagoo saaran markab ka baxay Cadan ee Yemen una socday dekedda Berbera ee Somaliland.
Al-Zubaidi ayaa markaa raacay diyaarad isaga iyo saraakiil ka tirsan Imaaraadka Carabta, waxayna u duuleen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
“Diyaaraddu waxay damisay nidaamyadeeda aqoonsiga intii ay dulmareysay Gacanka Cumaan, ka dibna waxay dib u shiday 10 daqiiqo ka hor inta aysan gaarin garoonka diyaaradaha militariga ee Al Reef ee Abu Dhabi,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Sacuudiga.

Ma jirin wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka kooxda STC ama Imaaraadka Carabta.
Hay’adda socdaalka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay baarayso warbixinnada “ku saabsan isticmaalka aan la ogolayn ee hawada sare ee qaranka Soomaaliya iyo garoomada diyaaradaha si loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa siyaasigaasi baxsadka ah,” taasoo ay ku dartay inay noqon doonto “xadgudub weyn” oo ka dhan ah madaxbannaanida dalka.

Haddii la xaqiijiyo, tallaabadani waxay sii xoojin kartaa khilaafka u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta kaasoo soo ifbaxay ka dib markii kooxda STC, oo ay taageerto Abu Dhabi, ay weerar ku qaadday ciidamada dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero bishii Diseembar.



