Saddex kamid ah maamulada dalka oo qaadacay faragelinta Isra’iil.

27 December, 2025

Saddex kamid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Somalia ayaa war-saxaafadeedyo kala duwan…

Saddex kamid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Somalia ayaa war-saxaafadeedyo kala duwan oo ay soo saareen ku cambaareeyey go’aankii maamulka Isra’il ku aqoonsaday madax banaanida Somaliland.

Dowlad goboleedyada kala ah Koofur Galbeed, Galmudug, Hirshaeelle iyo Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si isku mid ah uga hor yimid Xadgudubka Madaxa Banaanida Qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.