14 April, 2026
Ugu yaraan saddex markab oo xamuul ah ayaa galay Gacanka iyagoo sii maraya marin biyoodka Hormuz Talaadadii.

Mid kamid ah maraakiibta oo sita calanka dalka Panama ayaa ku sii jeeda dekedda Hamriyah ee Imaaraadka Carabta, kadib markii ay ka gudbeen waddada cusub ee u dhaxaysa jasiiradaha Larak iyo Hormuz ee biyaha dhulka Iiraan oo IRGC ay ku amartay dhammaan maraakiibta inay maraan.
Horay, laba markab oo ay Mareykanku fasaxday ayaa maray marin biyoodka cidhiidhiga ah ee istaraatiijiga ah.
Maadaama saddexda markab ee maray marin biyoodka aysan u socon dekedaha Iiraan, saameyn kuma yeelan xayiraadda Mareykanka, taasoo dhaqan gashay Isniintii.



