Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya roobab khasaare nafeed sababay oo 24-kii saac ee la…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya roobab khasaare nafeed sababay oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ayey degmada Isku-shuban ee gobolka Bari iyo deegamada hoosyimaada.
Khasaaraha ugu xooggan ayaa la xaqiijiyey inuu ka dhashay daadad ku soo rogmey Togga Carro-weyn ee deegaanka Timirshe oo qaaday haweeney iyo laba carruur ah oo ugu dambayn meydkooda laga helay deegaamada toggu biyeeyo.
Goob-joogayaal ayaa u xaqiijiyey HM geerida AUN marxuumad Qaali Ismaaciil Cawad oo kamid ahayd dadka deegaanka iyo labada carruurta ah, waxaana socda dedaalo bulshada looga saarayo goobaha biyo mareenka ah.
Dhowaan ayey xukuumadda Puntland uga digtey shacabka deegaamada godan inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenka ah, waxaana deegaamada qaar laga soo werinayaa roobab waxku ool ah.