Sadex kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta oo saaka lagu fuliyay dil toogasho ah

14 August, 2025

Qaar kamid ah ciidanka qaranka ayaa saaka dil toogasho ah ku fuliyay sadex kamid ah kooxaha…

Qaar kamid ah ciidanka qaranka ayaa saaka dil toogasho ah ku fuliyay sadex kamid ah kooxaha khawwaarijta oo horay ay u xukumeen maxkamada ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Sadexdaasi ruux oo saaka wajahay tiirka Cadaalada,waxaa lagu kala magacaabaa Abuukar Axmed Maxamed (Anwar), Xamsa Jeylaani C/laahi (Abtiga) iyo Xassan Cali Xuseen (Garaad)

Sadaxdaan ruux ayaa ka wada tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta ,iyagoo horay u geystay falal dilal ah iyo qaraxyo ay ka fuliyeen Caasimadda Muqdisho iyo Gobolka Shabeelaha Hoose.