Safaaradda Maraykanka ee Somalia oo joojisay qaar kamid ah adeegyadii ay bixin jirtey.

Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa shaacisay in ay hakisay qayb ka mid ah howlgalkeeda caadiga…

2 October, 2025

Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa shaacisay in ay hakisay qayb ka mid ah howlgalkeeda caadiga ah, kadib markii dowladda Mareykanku gashay xaalad xirnaan dowladeed (government shutdown) oo ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee Washington..

Tallaabadaan ayaa ka dhigan in adeegyo badan oo ay muwaadiniinta Mareykanka iyo Soomaalida la macaamisha safaaradda heli jireen, marka laga reebo adeegyada muhiimka ah sida ilaalinta amniga muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Xaaladda xirnaanshaha dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale saameysay safaarado kale oo gobolka ku yaalla, gaar ahaan dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo la joojiyey qaar kamid ah shaqooyinkii ay qaban jireen.

Soomaaliya waxay si weyn ugu tiirsan tahay taageerada Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib-u-dhiska iyo horumarinta. Hakadka dowladdu wuxuu sababi karaa dib u dhac ku yimaada maalgelinta iyo mashaariicda socda.