Diyaaradaha drone-ka ayaa markale lagu duqeeyey nawaaxiga Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad caasimada Ciraaq, ayaa lagu soo beegay xili Mareykanka uu dalkaasi kala baxayo shaqaalaha ka jooga.

Labo maalin kahor ayaa sidan loo duqeeyey Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad, waxaana diyaaradaha drone-ka hubeysan lagu qarxiyey qeybta isgaarsiinta ee safaaradda.
Weeraradan ayaa la rumeysan yahay inay geysanayaan kooxaha Shiicada ah ee Ciraaq oo taageera Iran, iyadoo horey ciidamada Mareykanka ay duqeymo ugu dileen qaar kamid saraakiisha maleeshiyaadkaasi.
Dowlada Mareykanka ayaa todobaadkan soo saartay amar ah in dhamaan muwaadiniinta Mareykanka isaga baxaan dalka Ciraaq sida ugu dhakhsiyaha baddan.



