Safiiro iyo wafuud dhaqan oo lagu soo dhaweeyey Laascaanood.

17 January, 2026

Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Somalia waxaa weli ku sii qulqulaya wafuudda ka qaybgeli…

Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Somalia waxaa weli ku sii qulqulaya wafuudda ka qaybgeli doonta caleema-saarka Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Awcali Firdhiye iyo ku-xigeenkiisa.

Wafuudda maanta gaartey Laascaanood waxaa kamid ah Safiirrada Sucuudi Careebiya, Turkey, Suudaan, Diblumaasiyiin, siyaasiyiin & isimmo-dhaqan oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed.

Gelinkii dambe ee shalay waxaa Laascaanood gaarey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xamse Cabdi Barre, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafuud kale.