Sagal Cabdi-Waali oo loo saadaalinayo musharraxa Labour ee kursigii Keir Starmer

Sagal Cabdi-Waali, oo ah hoggaamiyaha Golaha Camden ee waqooyiga London, ayaa si weyn loogu saadaalinayaa inay…

3 September, 2026
Screenshot

Sagal Cabdi-Waali, oo ah hoggaamiyaha Golaha Camden ee waqooyiga London, ayaa si weyn loogu saadaalinayaa inay noqoto musharraxa Xisbiga Shaqaalaha (Labour Party) uga tartama kursiga baarlamaanka ee Holborn iyo St Pancras, kaas oo uu banneeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain, Keir Starmer.

Warbaahinta Britain ayaa werisey in Sagal oo ah gabar asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya ay ka mid tahay magacyada ugu cadcad ee loo tixgelinayo doorashada ku-meelgaarka ah, inkastoo Labour uusan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin musharraxa.

Sagal Cabdi-Waali waxay Britain timid iyadoo carruur ah, kaddib markii qoyskeedu Soomaaliya ka soo qaxay, waxaana ay ku barbaartay Camden oo ay muddo dheer bulshada deegaanka uga shaqaynaysay, iyadoo siyaasadda golaha deegaanka si rasmi ugu soo biirtay markii loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Camden sanadkii 2022, iyadoo matalaysa deegaanka Camden Square.

Bishii May 2026, Sagal ayaa loo doortay hoggaamiyaha Golaha Camden, iyadoo noqotay haweeneydii madow ee ugu horreysay ee xilkaas qabata. Golaha Camden ayaa sheegay in Sagal ay Camden timid iyadoo qaxooti carruureed ah, ayna ku nooleyd degmada muddo ku dhow 35 sano.