Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqaymo diyaaradeed oo shalay ilaa xalay lala beegsaday saldhigyadii…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqaymo diyaaradeed oo shalay ilaa xalay lala beegsaday saldhigyadii kooxda Daacish ku lahayd xagga sare ee Togga Jaceel oo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad.
Duqaymahaan oo ay fuliyeen diyaaradaha Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lala beegsaday saldhigyo iyo dhufaysyo ay Daacish muddo dheer ku diyaarinaysay dhulka buuraleeyda ah ee ka sarreeya Qurac oo ay laba maalin kahor la wareegeen ciidamada difaaca dowladda Puntland.
Goobaha duqaymahaan culus lala beegsaday ayaa waxaa kamid ah Gaatir-oodan, Godka Geel maqaade, Godka Afka Quudka iyo Afka Daray Madoobe ee xiga Dhasaan, oo ilo sirdoon xaqiijiyeen in Daacish ka samaysatay difaacyo culus.
Taliska ciidamada difaaca Puntland ayaa xaqiijiyey in kooxdaan jab weyn lagu gaarsiiyey dagaaladii ugu dambeeyey iyo duqaymaha caalamiga ah isla markaana ay maalmaha soo socda soo afmeeri doonaan jiritaankooda.



